Salli evästeet, jotta voit käyttää automaattisia käännöksiä
Pähkinärinne oo Vantaa ku taalla ayuu ka kacay habeenimadii u dhaxeysay isniinta iyo salaasada. Dabkaasi cabirkiisu dhexdhexaad dhanka waynida xiga ah ayuu ahaa. Dabka waxaa ku dhintay shan qof. Xarunta badbaadinta ee Keski-Uusimaa ayaa guddoontay oo mas’uul ka ahayd shaqada badbaadinta iyo gurmadka degdegga ah. Mas’uuliyadda wargelinta xaaladda la xidhiidha waxaay saarantahay booliska.
Dhacdooyinka noocan ah waa kuwo qofka ku dhaliya dareemo iyo fikrado kala duwan, waxaana muhiim ah in dadka qofka u dhow uu qofku kala sheekaysto dareenkiisa. “Arrintani waa mid xattaa carruurta su’aalo badan ku dhalin karta, waxaayna carruurtu xaaladdan oo kale marka ay ku jiraan u baahanyihiin inay helaan wehelka iyo garabsiinta qofka wayn. Waxaa wanaagsan in carruurta iyo dhallinyartaba si furfuran loola sheekaysto iyadoo da’dooda lagu tixgalinayo qaabka loola sheekaysanayo. Sida ugu wanaagsan ee ay waalidku jawi ammaan ah u abuuri karaan waa inay ilaaliyaan nidaamka iyo jadwalada nolosha maalinlaha”, sidaas ayaay sheegaysaa maamulaha heeganka sooshalka iyo xasaradaha ee Henna Niskanen.
Halkee ayaa caawimaad laga heli karaa?
Sidan ayaad u taageertaa ilmaha xaalad adag ama qalalaase:
”Waxaan rabaa inaan u tacsiyadeeyo ehelka iyo asxaabta dadka ku geeriyooday dabkaas. Dhacdadani waa mid dhammaanteenba inna argagax galinaysa. Heeganka sooshalka iyo xasaradaha ayaa taageero u qabanqaabinaya dadka caawimaadda u baahan”, sidaas ayuu sheegayaa maamulaha nawaaxiga nolol-wanaagga oo ah Timo Aronkytö.
Nawaaxiga nolol-wanaagga ee Vantaa iyo Kerava ayaa wadashaqayn xooggan la sameynaya sarkaalada kale ee dowladeed si xaaladda loo xalliyo. Heeganka sooshalka iyo xasaraduhu wuxuu sidoo kale la shaqeynayaa dugsiyada iyo xannaanooyinka.
Heeganka sooshalka iyo xasaraduhu wuxuu mas’uul ka yahay inuu u qabanqaabiyo dadka ay xaaladdan dabku la kulantay ee u baahan deggenaansho degdeg ah iyo inuu bixiyo taageero saykosooshal ah. Taageerada saykosooshalku waa mid xoogga lagu saarayo wadashaqaynta lala yeelanayo ehelka iyo asxaabta dhibbaneyaasha. Heeganka sooshalka iyo xasaraduhu wuxuu aasaasayaa xarun xasaradeed. Waxaa xaruntaas lagu soo hagi doonaa dadka dhismaha laga soo faaruqiyay.
Nawaaxiga nolol-wanaagga Vantaa iyo Kerava xarunta ka shaqaysa ee badbaadinta ee Keski-Uusimaa ayaa qabatay shaqada badbaadinta iyo gurmadka degdegga ah xaaladdaas markii lagu jiray.
Booliska ayaa ka mas’uul ah hoggaaminta iyo wargelinta xaaladdan. Dab wayn ayaa ka dhacay Pähkinänrinne oo ku taalla Vantaa – Booliska
Cusboonaysiin: